“Farmaajo Ayaa Jabuuti U Saxeexay Inay Biyo Ka Qaadato Somaliland, Maanta Taladii Meel Kali Ah Ayay Ku Ururtay Waxaana Wax Lala Yaabo Ah Hadalkii Xanafta Lahaa Ee Madaweynaha” Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin
January 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo ka mid ah Aqoonyahannada Somaliland iyo aasaasayaasha Bar-kulanka Somaliland-jire oo horena uga mid ahaa odayaasha Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ayaa si adag u dhaliilay safarkii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tagay waddanka Jabuuti.
Cabdisalaan Yaasiin oo shalay Telefishanka Bulsho TV iyo Wariye Maxamed Jiglan ugu warramay Magaalada Hargeysa waxa uu dhaliillo culus u soo jeediyay safarkii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay waddanka Jabuuti oo madmadaw badani ku jiro sida uu hadalka u dhigay iyo iyada oo la sheegay buu yidhi in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu waddanka Jabuuti u saxeexay in ay Biyo ka qaataan dhulka Somaliland ee u dhaw xuduudda Jabuuti, halka uu sidoo kale Prof Cabdisalaan Yaasiin waxa lala yaabo oo aad u xun ku tilmaamay hadalladii uu Madaxweyne Muuse kaga khudbadeeyey Degmada Agabar ee Gobolka Gabiley oo uu ku tilmaamay kuwo xanaf leh oo umadda kala fogaynaya.