berberatoday.com
Magaalada Seylac Oo Aan Lahayn Dhir La Hadhsado Ayaa Hadda Laga Bilaabay Dhireyn”Ahmed Ibrahim Awale
January 5, 2021 - Written by admin
DHIRAYNTA SAYLAC
Taariikh-ahaan, magaalada Saylac waxa ay ahaan jirtay, ilaa haddana ay tahay mid ka madhan dhirta la hadhsado. Waxana arrintan u sabab ah dhibta lagu qabi jiray helitaanka biyo beerista iyo cabbitaan ku fiican. Meesha ugu dhow ee biyaha looga soo dhaamin jiray waa Tokhoshi oo u jirta hilaaddii 6.5 km. Sahamiyihii Richard Burton oo socdaal ku maray Saylac 1855kii oo la yaabban biyo-la’aata magaalada ayaa yidhi sidan “Waxa aan filayaa in ay tani sabab u tahay in aan Saylac lagu aqoon khudrad, sidoo kalena lagu arkin faras, baqal, iyo xitaa ey”. Sida aynu ogsoonnahay, nooleyaashaas uu Burton sheegay waa ladaab aan ka noolaan karin maalin keliya biyaha.
Ha yeeshii intii biyaha loo helay Saylac oo looga soo jiiday Tokhoshi, waxa muuqata in wax iska beddeli doonaan saansaankaas. Howshaas waxa hormood ka ah hay’adda Candlelight oo ka wadda dhir-beeris.
Dhowr bilood ka hor waxa la bilaabay tarminta geedka Takhayga (Avicennia marina) oo waxtar badan oo ay ugu mudan tahay in uu abuuro sabo ku habboon in kalluunka iyo nooleyaal kale oo badani gabbaad ka dhigtaan kuna tarmaan, iyo weliba in geelu daaqo caleentiisa. Tirada abqaalka ee ilaa hadda la joojiyay waa ilaa 6900 oo geed.
Maalmahan aynu ku jirnona waxa socda beerista 250 geed oo dhamas (Conacarpus lancifolius) ah oo lagu bilaabay beeristooda suuqyada, xafiisyada dawladda, dugsiyada, xerada ciidanka Badda, iyo meelo kale. Dhirtaasi waxay martay safar 600 oo kiilomitir ku dhow markii laga qaaday meeshii lagu biqliyay oo Berbera ah, lagu sii dhaxiyay Hargeysa sidaasna Saylac lagu gaadhsiiyay.
Howshani ma ay suurto gasheen haddii aanaan iskaashi iyo taageero ka helin Dawladda Hoose, maamulka Gobolka, Xafiiska Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka, iyo Bulshada reer Saylac.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews