Axmed Siciid Cige Oo Kawaramay Taariikhda Saaxiibkii Marxuum Axmed Cabdi Nuur Oo Maanta Geeriyooday
January 6, 2021 - Written by admin
Axmed Siciid Cige Oo Kawaramay Taariikhda Saaxiibkii Marxuum Axmed Cabdi Nuur Oo Maanta Geeriyooday
Geeri Naxdin Leh
Ilaahay Ha u naxariisto weriye Axmed Cabdinuur oo maanta kowdii duhurnimo {6.1.2021} xilliga bariga afrika ku geeriyooday gurigiisa xaafadda East London . waxaa ii xaqiijisay geerida xaaskiisa Saynab Yaasiin Xirsi oo Telphone-ka aan kula xidhiidhay markii warku soo baxay hadda uun .
Axmed Cabdinuur wuxuu ahaa weriye xirfadyahan ahaa oo ruug-cadaa ahaa , weriyaasha ay soo wada shaqeeyeen oo dhamina u qireen dhexdhexaadnimo , alla ka cabsi , dulqaad , iyo tafatir
isu dheellitiran oo hufan . waan soo wada shaqeynay Axmed Cabdinur Radio Muqdisho iyo BBC , waxaanu ku wada jirnay guri sannad iyo dheeraad aan shaqo u joogay BBC London . waxaan shaqo ka wada qabanay Hargeysa oo isugu kaaya danbeysay 2017 .
Xidhiidh joogta ah ayaannu lahayn mar kasta .waxaan tacsi u dirayaa xaaskiisa Saynab Yaasiin Xirsi iyo wiilkiisa maxamed Axmed Cabdinuur , guud ahaan qoyska, bahda saxaafadda siiba weriyaasha iyo shaqaalaha BBC .
Siwirada : waa weriye Axmed Cabdinur {IHUN} iyo weriye Axmed Saciid Cige , London January 2003 , iyo Hargeysa April 2017 .
Axmed Siciid Cige
Hargeysa Somaliland