Yuusuf Garaad Oo Ka Warramay Qof Noocee Ah Ayuu Ahaa Weriye Axmed Cabdinuur
January 7, 2021 - Written by admin
Aad ayaan uga naxay ugana murugeysanahay geerida Axmed Cabdi Nuur oo ah walaal aan muddo dheer soo wada shaqeynay oo ku geeriyooday London.
Axmed wuxuu ahaa weriye caan ku ah warbaahinta Qaranka, Radio Muqdisho oo uu wararka iyo Sportiga caan ku ahaa iyo Teleifishinka Qaranka oo uu midkood ahaa labadii weriye ee ugu horreeyay ee u kaltami jiray akhrinta wararka.

Markii iigu horreysay ee aan barnaamij idaacad ka akhriyo wuxuu ahaa labadii weriye ee aan la akhriyay midkood.