berberatoday.com
Suldaan Xiirey Oo Ka Hadlay Colaada Dharkayngeeyo, Heshiiska Dekedda Berbera Iyo Madax-dhaqameed Ka Tagay Somaliland Oo Muqdisho Ka Degay.
June 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo shalay warbaahinta kula hadlay gurigiisa ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Dharkayn Geenyo isagoo dhanka kalana Salaadiinta u hanqaltaagaya Xamar ku tilmaamay kuwo khiyaamo qaran samaynaya kana hadlay heshiiska Dekeda Berbara.

Suldaanka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Halkan Dharkayn geenyo waxaa ka dhacay dhibaato wayn laba beelood oo walaalo ah oo ehela oo isu guriya oo isu ooda oo inan iyo abtigiiya ayay diriri ku dhex martay. Waxaan ugu baaqayaa inay collaada joojiyaan oo ay wadahadal ku dhameeyaan ummada dhimatayna ilaahay ha u naxariisto inta dhaawacantayna ilaahay waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo bogoodana burcad isku mariyo wanaaga iyo sharafta tuso. Dawlada Somaliland oo iyaguna ku dhawaaqday inay ka hawl gasho cuqaasha iyo madaxdhaqameedka meelkasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inaan ka hawl galo oo bishaa ramadaan dadkaa dhex galo oo nabada ku soo dabaalo”Ayuu yidhi “

Sidoo kale, Suldaanku waxaa uu ka hadlay heshiiska dekada Berbera kaasi oo suldaanku ummada Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan “Waa deked caalamiya Dubia oo kale ayay noqonaysaa waa raasamaalka dhabta ah ee inoo hadhaya ninkasta oo inaga kiraysaa wuu iska tahayaa ganacsi baa laga helayaa shaqaalaa laga helayaa marsada ganacsi ayay noqonaysaa anigoo afhayeenkii dhaqanka ahna waan soo dhaweynayaa waxaan idiin sheegayaa inay faa’iido inoo tahay waa heshiis wanaasan waa heshiis nabadeed dadka degaana waa dad wanaagsan oo jecel qaranka iyo horumarka”.

Dhinaca kala,  Afhayeenka dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaa uu ka hadlay Salaadiinta u hanqaltaagaya maamulka xamar waxaana hadaladiisii kamid ah “Xamar ma dawladbaa joogta anagu ma tagayno shaqana kuma lihin, salaadiinta soo xulayaana waa salaadiintii hore ba u soo xushay ee 60ka ahaa suldaan la doortay iyo mid caana boodhe lagu shubayba way jiraan. Laakiin anagu shaqo kuma lihin tagina mayno shaqana kuma lihin shir na khuseeya oo Somaliland meel ka soo galena maaha ninka suldaana ee madax dhaqameeda ee halkaa tagaana ee ka qayb galaana waa nin ummada Somaliland iyo qaranka somalilandba meel kaga dhacay, Somaliland-na wax kiish la galiyo ama salad lagu qaado ka weyn.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews