Qaar Kamid Ah Dadkii Ugu Caansanaa Ee Galay Congress-ka Oo Lasoo Qabtay
January 11, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Laba nin oo ka mid ahaa dadki ugu caansanaa ee Arbacadi xoogga ku galay xarunta Koongareeska Mareykanka ayaa Sabtidi la xidhay, iyada oo ay ciidamada amaamnka baadi-goobayaan kuwo kale oo badan.
Labada nin ayaa ka mid ahaa kuwii ay sida gaar ah u qabteen indhaha caalamka, sawirradoodana aad loogu wadaagay baraha bulshada.
Jacob Anthony Chansley oo kasoo jeeda gobolka Arizona ayaa Sabtidi lagu qabtay isla Arizona. Ninkan ayaa ah ninki xidhnaa koofiyad maqaar laga sameeyay oo geeso dhaadheer lagu dhajiyay.