Kongareeska Maraykanka Oo U Codeeyey In Xilka Laga Xayuubiyo Trump
January 15, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhammaanayo ee Maraykanka Donald Trump ayaa la ansixiyey kadib markii ay u coddeeyeen Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Maraykanka.

232 Xildhibaan oo ay ku jiraan 10 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa codkooda ku taageeray mooshinkan, halka ay kasoo horjeesteen 197 xildhibaan oo ah taageerayaasha Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga. 5 Xildhibaan ayaa ka aamusay inay codkooda dhiibtaan.