Itoobiya Oo Dekedda Januuti Ka Dhoofinaysa Xoolaheeda
January 17, 2021 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Saraakiil Sarsare Oo Ka Kala socda Dalalka Ethiopia Iyo Djabouti ayaa Wada Jir Xadhiga Uga Jaray Dekeda dooraale Oo Laga Dhoofin Doono Xoolaha Nool.
Wasiirka Gaadiidka ee Djabouti Moussa Mohamed Ahmed, Safiirka Ethiopia u Jooga Djabouti Ambassador Berhanu Tsegaye, Guddoomiyaha Dekedaha Iyo Aaga Cashuuraha Ka Caagan ee Djabouti Aboubaker Omar Hadi, iyo xubno Kale ayaa Ka Qayb Galay Xafladan.
Wasiirka Gaadiidka Jabouti Waxa Uu sheegay In Dekeda Xoolaha ee Dooraale ay Wax badan u fududayn Doono Deegaanka Iyo Xoolaha Ethiopia Kuwaas Oo halkaas Laga Dhoofin doono.