“Qof Dhintay In Laga Dhigo Inuu Nool yahay Si Ehelkiisa Lacag Looga Gurto, Waa Dambi”Xil Nac Nac.
January 18, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, Ayaa axmaqnimo iyo fool xumo ku tilmaamay in qof dhintay Laga dhigo inuu nool yahay, si lacag looga gurto ehelkiisa, Waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay talaabo adag ay ka Qaado Dhakhtarkii falkaas ku kacay.
