Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Ka Hadashay Ardaydii Reer Somaliland Ee Laga Soo Daad Gureeyay Dagaalada Itoobiya Oo Qaarkood Dib Ugu Noqdeen Gobolka Tigreey!
January 20, 2021 - Written by admin
Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Sheegtay In Talaabo Sharci Ay ka qaadayso Arday Dib ugu noqotay Gobolka Dagaaladu ka Socdaan Ee Itoobiya Iyo Fariinta Ay Udirtay Waalidiintooda.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashadda Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray ardaydii reer Somaliland ee laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda gobolka tigreey ee itoobiya
WAR SAXAAFADEED
Taariikh: 19/01/2021
Sida Aad la wada socoteen, waxa jiray arday reer Somaliland ah oo waxbarasho Jaamacadeed u joogay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, gaar ahaan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka dhaceen. Ardaydaas oo dedaal dheer kadib la soo daadgureeyey, iyaga oo bedqabana ku soo guryo noqday dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.