Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Dalka GAAJO Ka Jirin, Xilli Nolosha Bulshadu Sii Adkaanayso
January 20, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay dalka ka jirin wax Gaajo ah, balse Mushkiladda ugu weyni tahay Shaqo la’aanta.
Xukuumaddu waxay sheegtay, maaddaama oo Somaliland tahay dal nabad ah oo aanay dagaalo ka jirin, Masuuliyadda ugu weyn ee saarani tahay inay Xal u hesho Shaqo la’aanta dalka ka jirta.
Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali (Godane) oo shalay xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyey, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Somaliland waa dal Nabad ah, dagaalo kama jiraan, Gaajo kama jirto, dhibaatada keliya ee ka jirtaa waa shaqo la’aan, Xalkeedii waxa laga rabaa Cidda Wasaaraddan hoggaaminaysa, shaqo oo dhami waxay ku soo dhamaadaan Arrimaha Bulshada..”