Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Laga Daadiyey Doon Ay Ka Raaceen Turkiga, Inta Dhimatay Iyo Inta La Bedbaadiyey
January 21, 2021 - Written by admin
Giriigga(Berberatoday.com)-Booliska dekedda jasiiradda Giriigga ee Lesvos ee ku taal badda Aegean, ayaa soo badbaadiyay 27 Qof oo muhaajiriin ah kadib markii doontii ay kaga yimaadeen Turkiga laga daadiyay.
Midka mid ah muhaajiriinta ayaa dhintay markii doon ka timid Turkiga ay ku daadisay koox ka kooban 27 qof xeebta fog ee jasiiradda Lesvos subaxnimadii hore ee Salaasadii Shalay. Qofka dhintay waxaa la sheegay inuu ahaa qof Soomaali ah oo la sheegay inuu u geeriyooday qabowga daran awgii