Abiy Ahmed Oo Qaaday Tallaabadii U Dambeysay Ee Uu Ku Cidhibtirayo TPLF
January 21, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Abiy Axmed oo dagaal xooggan la gashay maamulka TPLF ayaa gebi ahaanba ururkii maamulkaas ka saartay xisbiyadda siyaasadeed ee dalkaas, oo uu sannadihii u dambeeyay kamid ahaa xisbiyada ugu awooda badan.
Guddiga doorashada Itoobiya ayaa shaaciyey inay diiwaanka xisbiyada siyaasada ka saareen xisbiga TPLF, oo hore uga talin jirey maamulka Tigray.
Guddiga ayaa xisbiga TPLF oo ay hogaamin jireen siyaasiyiintii uu dagaalka la galay Abiy Axmed, ayaa waxay ku eedeyeen inay ka dambeeyen qalaalase siyaasadeed oo ka dhacay dalka Itoobiya.