Somaliland Oo Waddan Afrikaan Ah Ka Dalbatay Inay La Isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka
January 22, 2021 - Written by admin
Furaha Internet-ka ee Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa hadda Gacanta ku haysa Dawladda Muqdisho, taasi ayaa Somaliland Ku khasbaysa inay Mid kale raadsato

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Sierra Leone ka codsatay inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka (Domain), maaddaama oo uu ku dhamaado SL oo u ekaan kara Somaliland.
Domain ayaa ah waxa Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan Bogagga Internet-ka, sida (Google.so) ama (Google.co.uk), laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah ka Madax-bannaan Soomaaliya ayaan helin Madax-bannaani dhinaca Internet-ka ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Soomaaliya, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone.