Mayarka Berbera Cabdishakur Ciddin Oo Dhagax Dhigay Waddo Fududeyn Doonta Isu Socodka Ganacsiga Iyo Gaadiidka Dekeda Kabaxaya
January 24, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha golaha deegaanka Degmada Berbera ahna duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa dhagax dhigay wado muhiim u ah isu socodka ganacsiga dalka, ugu horayntii munaasibada dhagax dhiga waxa ka hadlay Agaasimaha waaxda hawlaha guud iyo gaadiidka ee Dawlada Hoose Degmada Berbera Maxamed Cabdi Jaamac ayaa yidhe ” wadadan waxay ka mid tahay wadooyinka qorshaha sanadka 2021, wadadan dhereerkeedu waxu dhan yahay 3km iyo 300 miter waxayna noqon doonta wado Asfal ah (Asphalt Road)”.
Waxuuna agaasimahu balan qaaday inuu kormeer iyo ka war hayn ku samayn doono tayadeeda.
Waxa kale isna halkaa ka hadlay
Agaasimaha Maamulka maaliyada Dawlada hoose Degmada Berbera Maxamed Cali Caabi waxuuna yidhe
“Wadadani waxay faa’iido wayn u tahay ganacsiga iyo isgaadhsiinta baaburta xaamulka sida ee ka baxayaa dekeda berbera una gudbayaa gobalada jamuuriyada somaliland, ugu danbayntii agaasimaha maamulka iyo maaliyada dawlada hoose degmada berbera waxu u mahad celiyay ganacsatada waawayn ee diyaar ka u ah inay ka qayb qaataan wadadan, Omaar Company, IBCo Companay, Shirkada Dp world, Alnuur”.
Ugu danbaytii waxa isna halkaa ka hadlay
Gudoomiyaha golaha deegaanka Degmada Berbera ahna duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin)
Ayaa sheegay inay wadadani tahay wadadii labaad oo ay ganacsatadu ka qayb galayaan waxuuna balan qaaday 60% ay dawlada hoose bixin doonto halka 40% ay bixin doonaan ganacsata waawayn ee dalka, waxa kalee oo uu tilmaamay mihiimada iyo faa’iidada ay leedahay wadadan waxuuna yidhe.
“Wadadan waxay iba fur u tahay dekeda cusub ee dhawaan la furi doonaa waxayna culayska ka qaadi doontaa magaalada gadiidkii waawaynaa ee dhex socon lahaa”
Berberatoday.com