Xisbiga UCID Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Tilmaamay Hoggaamiye Aan Khaladaadkiisa Loo Sheegi Karin
January 25, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu yahay hoggaamiye aan khaladaadkiisa loo sheegi karin.
Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Musharrax u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay in xilligii lagu jiray ololaha doorashadii Somaliland ka dhacday sannadkii 2017 ay Beesha Gobolka Saaxil codsatay in lala doorto Madaxweyne Muuse Biixi, balse doorashadii ay reer ahaan ku hongoobeen.