Wargeys Helay Xoggo La Yaab Leh Oo Ku Saabsan Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Ka Mid Ahaa Ciidankii Ay Soomaaliya Tababarka Ugu Dirtay Erateriya Ee Nolol Iyo Geeri Loo Kala Saari La’yahay
January 26, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Tan iyo markii ay soo ifbaxday wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan Dhalliyaro Soomaali ah oo Dawladda Soomaaliya tababar ugu dirtay Dalka Erateriya oo qayb ka noqday dagaalkii Dawladda Itoobiya ku qaadday Maamulkii Tigrayga ayaa sidoo kale waxa iyagana soo ifbaxay kuwo Xaggan Somaliland kaga jira oo si hoose loogu gudbiyay Soomaaliya Wakhtigaasi.
Haddaba Wargeysa Foore oo wakhti baddan galiyay inaan Xog buuxda ka helno gaar ahaan Dhalinyaradda reer Somaliland kaga jiray Ciidankaasi ayaa waxaanu si rasmi ah u ogaanay islamarkaana faah faahin buuxda uga helnay jiritaanka Arintani, waxa kale oo aanu ogaanay dhallinyaro door ah oo iyagu markii Muqdisho duleedkeeda la geeyay iskaga soo baxsaday oo Hargeysa iyo Burco dib ugu soo laabtay kuwaasi oo nasiib iyo ayaan badni u arka marka ay maqleen Buuqa maanta baxaya iyo waalidiinta walaaca qaba kadib Ubadkoodii oo ay ku la’yihiin Nolol iyo Geeri.