Kuwit”Raysal Wasaare Hore Isku Casilay Oo Mar Kale La Magacaabay
January 26, 2021 - Written by admin
Kuwayt(Berberatoday.com)-Amiirka dalka Kuwayt ayaa mar kale raysal wasaare u magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid
Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu magacaabay Raysal wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax.
Wakaaladda wararka ee Kuwayt ayaa sheegtay in wareegto ka soo baxday xafiiska amiirka dalkaas lagu magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.