Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Guddiyada Soo Xulista Iyo Diyaarinta Musharraxiinta Golayaasha Wakiillada Iyo Deegaanka!
January 27, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa magacaabay guddiyo loogu talogalay inay soo xulaan, soona diyaariyaan musharraxiinta xisbiga uga qaybgalaya tartanka doorashada Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaannada dawladaha hoose ee dalka ee lagu wado inay qabsoonto badhtamaha sannadkan.
Wareegto uu soo saaray Gudddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) maanta oo Salaasa ah, waxa uu ku magacaabay saddex guddi oo laba ka mid ahi soo kala xulayaan murrashaxiinta xisbigu u qaadanayo tartanka doorashada ee gobollada dalka iyo guddi heer qaran ah oo ka shaqaynaysa xallinta wixii khilaaf ah ee ka soo noqon kara hawsha diyaarinta murrshaxiinta