Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Hawlan Qorshaha Ay Ku Bilaabayaan Kaadh Qaybinta.
January 31, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa bilaabay tababarida Guddoomiyeyaasha Komishanka ee gobollada iyo Degmooyinka dalka.
Tabobarkan ayaa waxa uu ku saabsan yahay Hannaanka Kaadh/Goob Baddelka & Kaadh-qaybinta. Tabobarkan Wajigiisa hore ayaa ay ka faaiidaysanayaan Mas’uuliyinta 3da Gobol ee Awdal, MJ & Saaxil iyo Degmo-doorashooyinka hoos yimaada.
Wajiga dambe ee Tabobarkan ayaa lagu tabobari doonaa Guddoomiyayaasha Komishanka ee 3da Gobol ee Togdheer, Sool & Sanaag iyo Degmo-doorashooyinka hoos yimaada.