Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Shacabka Caasimada Aan Biyo Haysan Ku Khasbaysa Inay Iibsadaan Saacado 50$ Ah
February 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakaalada Biyaha Hargeysa ayaa guryaha caasimada gaysay waraaqo ay ku sheegayan in la Iibsado saacado cusub oo qasabadaha Biyaha lagu xidhaayo iyagoo hore xafadaha qasabadaha lihi ay Saacado ugu xidhnaayen.
Xaalada dhaqaale ee shacabka ayaa hoos u dhac ku yimid muddooyinkii ugu danbeeyey balse wakaalada biyaha Hargeysa oon ku guuleysan inay caasimadu hesho biyo ku filan ayaa shacabka ku qasbaysa in ay iibsadan saacadahaasi cusub.
Lama oga cida la siiyey qandaraaskaasi iibka saacadaha oo halkii xabo yahay $50 ah.
Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood oo Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilanyo xilkaasi u magacabay isagoo ilaa hada haya xilkaasi ayaan ku guuleysan qorshihii caasimadu ku heli lahayd biyo ku filan.
Luqman Maxamed Faarax
Hargeysa Somaliland