Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Ka Qeybgalay Salaada Jinaasada Alle Ha Unaxariistee General Maxamed Nuur Galaal
February 1, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda ayaa ka qeybgalay salaada Jinaasada alle ha u naxariisteen Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.
Marxuumka salaadda lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud kaddib markii ay sidaa codsadeen ehelada marxuumka, hasse ahaatee sagootinka meydkiisa ayaa loo sameeyay maamuus heer Qaran ah