berberatoday.com
“KULMIYE Iyo Hoggaankiisa Oo Uu Madaxwaynuhu Ugu Horreeyaa Waxa Ay Far Waa Wayn Inoogu Qoreen In Aanay Hargeysa Aragti Horumarineed Haba-yaraatee U Haynin”. Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI.
February 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka WADDANI Md Khaddar Xuseen Cabdi, ayaa Sheegay in Hogaanka Xisbi Xaakimka KULMIYE oo uu ugu horeeyo Madaxweyaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi in aanay habayaraatee u haynin Caasimadda Hargeysa Aragti Horumarineed, Kadib Markii uu Xisbiga KULMIYE Mar Labaad u Ogolaaday Inuu Maayarka Caasimadda Hargeysa Isu Sharaxo Doorashadda Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa.
Qoraalkan uu Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mr Khaddar Xuseen Cabdi uu ku Yidhi Siddan:-“Xisbiga KULMIYE iyo hoggaankooda oo uu Madaxwaynuhu ugu horreeyaa waxa ay far waawayn inoogu qoreen oo inoo sheegeen in aanay Hargeysa aragti horumarineed haba yaraatee u haynin, waxa ay inoo sheegeen in aanay dooneyn in Hargeysi hore u socoto, waxa ay inoo sheegeen in ay ku faraxsanyihiin godadka waaweyn ee wadooyinka ka jeexan, xashiishka badan ee tuulan magaalada dhexdeeda iyo dayaca guud ee ka muuqdaba caasimadda guud ahaan.
Intaasiba waxa ay inoo sheegeen marka ay Duqii siddeeda sannadood joogay oo aan la mahadin ay dib u soo sharraxeen!!, iyaga agtooda mayor-ku waa nin guulaystay, haddii kale sooma ay celiyeenba oo mar kale inama ay hor keeneen, waxa aan qabaa in aanay inaga xishoon oo damiirkeenna iyo dadnimadeena xallanba ay ceeb ku tahay in aan qof aan hubno inuu ku fashilmay horumarinta caasimaddeenna mar labaad Xisbigaasi soo sharraxo.
Laakiin waxaa laga yaabaa in waxa ay rabaan iyo wax aan rabno ay kala duwan yihiin, muwaadin Hargeysi hiil ayay kaaga baahantahay ee ugu hiili codkaaga oo dooro dad u qalma in ay magaaladeenna hoggaamiyaan oo karti, aqoon, hufnaan iyo daacadnimo leh, muwaadin tus oo u sheeg Madaxwaynaha iyo Xisbigiisa fashilan in aan garaadkeenu daxalaysan oo aynaan aqbaleyn waxa aynaan u qalmin, maanta uma qalanno in Mayor Solteco la inagu soo celiyo.
FG: Waxaa mahadsan Duq kasta oo la tijaabiyey oo gartay in uu dadka dhiggiisa ah fursad siiyo, si gaar ah Mayor Muraad baan hambalyeynayaa”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews