Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Rejada Shacabka Somaliland Ka Qabo In Doorashooyinka Isku Sidkani Wakhtigooda Ku Dhacaan
February 7, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, ayaa ka hadlay Safar isaga iyo Wefti uu hoggaaminayey ku yimaaddeen Somaliland.

Mr. James Swan, Special Representative ofthe Secretary-General and Head ofthe United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM)
The situation in Somalia
Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/661)
James Swan oo Warbaahinta la hadlay, ka dib safarkii uu ku yimid Somaliland, ayaa sheegay in muddadii ay Hargeysa ku sugnaayeen la kulmeen Madaxda Dawladda Somaliland qaarkood, guddiga Doorashooyinka, ururrada Bulshada Rayidka ah, ka dibna ay la shir la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.