Diyaarad Ay leeyihiin Ciidamada Amisom Oo Ku Burburtay Ballidoogle
February 8, 2021 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Hawlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ay adeegsadaan ciidamada AMISOM ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.
Diyaaraddan ayaa shilka gashay wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka Balligoodle maalintii Jimcaha ee 5-ta February, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada AMISOM.
AMISOM waxay intaas ku dartay in afar askari oo saarnayd diyaaradda la badbaadiyey, haatanna xaaladdooda caafimaad deggen tahay.