Dibadbaxyo Ka Dhacay Caasimadda Tigrey Ee Mekelle Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay
February 10, 2021 - Written by admin
Mekelle(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in hal qof halkaasi lagu dilay.

Qofkan ayaa ka mid ahaa dad dibadbax dhigayay oo isugu soo baxay caasimadda gobolka Tigrey ee Mekelle.
Booliska ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha oo ka soo horjeeday dowladda islamarkana waxaa ay rasaasta haleeshay hal qof oo ku dhintay.
Dibadbaxa ayaa ku soo beegmay xilli hogaamiyayaasha gobolka Tigrey ay booqdeen magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigrey.