Xildhibaan 16 Sano Ku Jiray Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Doorashada Wakhtigeeda La Cayimay
February 11, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay hankiisa siyaasadeed ee mustaqbalka, waxaanu sheegay in aanu isku soo sharixi doonin mar dambe kursiga uu hadda ku fadhiyo, balse uu fursada siin doono Dhalinyarada hanka leh.
Xildhibaan Abubkar Cabdiraxmaan Good, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka isku sidkan ee loo cayimay in bisha shannaad la qabto iyo siduu u karo, waxaanu yidhi “Muddo dheer oo 16 sanno ah ayaan golaha joogay, Abubakar ahaana waxaan go’aan ku gaadhay in aan mar dambe isa soo sharixin ee Dhalinyarada hanka leh aan u baneeyo kursiga, qof kastaba ikhtiyaar buu leeyahay, mudaneyaasha aanu isku Golaha nahayna way dhici kartaa inay qaarkood sidayda baneeyaan kursiga, marka uu wakhtigu naga dhamaado, halka qaarkoodna laga yaabo inay dib isku soo sharaxaan, oo calafkooda qaadaan, marka laga yimaaddo kursigayaga aan ka dagayo marka uu wakhtigu iga dhammaado, ee aan mar dambe iska soo sharaxayn, Siyaasadda waan ku sii jiri doonaa oo kama baxayo, wixii ALLE qorayna wey dhici doonaan insha allaah”.