Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Xoolo Berbera Laga Dhoofiyey Sucuudigu Dib ugu Soo Celiyey”Daawo Muuqal
February 11, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta Markab Xoolo ka qaaday Dekedda magaalada Berbera ay Dowladda Sucuudigu dib ugu soo celisey.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo Arbacadii maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Markab ka mid ah Maraakiib dhawaan Shixnado Xoolo ah ka qaaday Dekedda Berbera ay Dowladda Sucuudigu dib ugu soo celisay Somaliland, ka dib markii furuuruc lagu arkay Xoolahaas.
Wasiir Sulub waxa uu sheegay in si looga taxaddiro in Xoolo dambe oo laga dhoofiyey Somaliland dib loo soo celiyo, ay diyaariyeen Dhakhaatiir Maraakiibta xoolaha qaada ka raaci doona Dekedda Berbera iyo Dawooyinka ay u baahan karaan, si haddii xaalado Xanuun Xoolaha soo food-saaro inta ay Badda ku sii jiraan Badda dhexdeeda ay ugu sii dawayn karaan Dhakhaatiirtu.