Duqa Degmada Berbera Cabdishakur Ciddin Oo Qaabilay Madaxda Uga saraysa Haayada GIZ ee Somaliland.
February 11, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha golaha deegaanka Degmada Berbera ahna duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) Ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Madaxda Haayada GIZ u Fadhida Somaliland.
Waftiga Ka Socday GIZ Waxay Warbixin ka Siiyen Mayorka Wax-qabadyada Hayada GIZ ee Gobalka Saaxil, Gaar ahaan Degmada Berbera, Sidoo Kale Waxay Warbixin Kooban Ka Siiyen Mashruucyo Cusub Oo Ka Bilaabmi Doona Saddex Gobal Oo Gobalka Saaxil Ka Mid Yahay.
Gudoomiyaha Ayaa Dhankiisa U Mahad Celiyay Haayada GIZ Taageerida Dhanka Horumarka Iyo Wakhigii Adkaa ee Xanuunka COVID-19, Sidoo Kale Waxa Uu Xusay In Ha’ayada GIZ Ay Tahay Saxiib Dhow oo Markasta Garab Taagan Degmada Berbera iyo Guud Ahaan Gobalka Saaxil, Isagoo sheegay in mashariicaha GIZ Ay Yihiin Markasta kuwo Muuqda.
Ugu Dambeyntii Shirka Ayaa ku soo Dhamaaday Is Afgarad Iyo Xoojinta Wada Shaqaynta Labada Dhinac.
Berberatoday.com