Haayada Shaqaalaha Somaliland Oo Awaamiir Kasoo Saartay Qofka Shaqaalaha Dawlada Katirsan Ee Doonaya In Uu Isa Sharaxo!
February 12, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay inaan la ogolayn in Shaqaalaha Dawladdu ay ka mid noqdaan Musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka.
Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Xubnaha Shaqaalaha Dawladda ee damacu ka hayo inay Xisbiyada ka mid noqdaan si ay isugu sharraxaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka looga baahan yahay inay iska casilaan shaqada ay ka hayaan Hay’adaha kala duwan ee Dawladda.