Axmed Yuusuf Yasin Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinka, Talooyina U Soo Jeediyey Axsaabta Qaranka
February 15, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filayo inay sannadkan ka dhacaan dalka, waxaanu sheegay inuu ku rejo weyn yahay inay dhacaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanco, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Shacabka.
Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale ka hadlay geerida ku timid Suldaankii guud ee Somaliland, oo shalay aas qaran loo sameeyey, waxaanu ALLE uga baryey inuu u naxariisto, waxaanu u duceeyey Suldaanka beddelay, Suldaan Da’uud, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Ilaa hadda si fiican bay wax inoogu socdaan, inaguna cid kasta waxaynu kaga horaynaa oo aynu kaga wanaagsan nahay wada tashiga, Doorashooyinka aynu sannadkan qabsanayno ee la muddeeyey xilliga la qabanayana insha allaah waxay inoo noqon doonaan Doorashooyin fiican oo si fiican inoogu qabsooma, ee si fiican ha loo tartamo, oo ha laga fogaado hadallada caadifadu ka muuqato mucaarad iyo muxaafidba, oo tartanku ha noqdo tartan xalaal ah”.