Xogo Cusub Oo Iftiimiyay Halka Ay Ku Dambeeyeen Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Tabobar Ciidan Loogu Qaaday Dalka Eritrea.
February 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Barnaamijka Galka Baadhista ee Idaacadda VOA qaybteeda Soomaaliyga, ayaa lagu soo bandhigay xogo dheeraad ah oo la xidhiidha Dhalinyaro Soomaali oo dowladda Soomaaliya tabobar ciidan ugu qaadday dalka Eritrea, kuwaas oo hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaalida.
