Maxaa Ka Jira In 30 Qof Ay Muqdisho Ugu Geeriyoodeen Cudurka Covid-19?
February 17, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay warar sheegaya in 30 qof ay Muqdisho ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19, arrinataas oo baraha bulshada aad loogu faafiyay 24-saac ee ugu dambeeyay.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur, oo shir jaraa’id ku qabatay gudaha isbitaalka Martiini ayaa sheegtay in xalay illaa saaka ay isbitaalka ku geeriyoodeen shan ruux oo oo kamid ahaa bukaanadii u jiifay covid-19.
