berberatoday.com
Midowga Musharrixiinta Somaliya Oo Digniin Culus Ujeediyey Dowladda
February 17, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa uga diggay dowladda Soomaaliya in ay carqaladeyso dibadbaxa lagu waddo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee lagaga soo horjeedo madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ku baaqay dibadbaxan ayaa uga diggay laamaha amniga in ay is hortagaan isku soo baxa dadweynaha, balse taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sugaan nabad-galyada dadka dibadbaxa ka qeybgalaya maadaama dibadbaxu yahay mid nabaddeed oo dadku shacuurtooda ku muujinayaan.

“Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa in aanay carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay sugaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”ayuu yidhi Musharax Geelle.

Midowga musharixiinta ayaa dibadbaxan ku tilmaamay in uu yahay mid nabaddeed oo shacabku ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan sii joogitaanka madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedkiisu ku eekaa 8dii bishan February.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews