“Soomaaliya Guul-darrada Ka Muuqata Waxa Ka Masuul Ah Madaxweyne Farmaajo”Cabdiweli Gaas
February 17, 2021 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Puntland iyo raysal wasaarihi hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay xaaladda ay haatan Soomaaliya marayso in ay sabab u tahay shakiga laga qabo in madaxda dowladda federalka ay doonayaan in ay doorashada musuq maasuqaan.