Maamulka Sare Ee Idaacadda BBC-da Oo Shaqada Ka Eryey Weriye Cabdirisaaq Catoosh Iyo Sababta
February 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(berberatoday.com)-Cabdirisaaq Catoosh oo ka mid ahaa Weriyeyaasha muddada ka hawl-galayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa shaqada Toddobaadkan laga caydhiyay.
Weriye Catoosh oo ka hawl-galayey Xarunta BBC-da ee Magaalada Nairobi, ayaa si rasmiya shaqada uga tagay Toddobaadkan, ka dib markii Maamulka sare ee Idaacaddaasi uu shaqada ka joojiyey iyada oo sababaha loo eryay lagu sheegay mudo dheer oo dabagal lagu hayay habdhaqankiisa wariyenimo aakhirkiina lagu helay Wariye Catoosh danbiyo ay kamid yihiin laaluush qaadasho iyo majara habaabin warar xaqiiqadooda uu qariyay waxaana sidaasi aanu kasoo xiganay ilo wareedyo udhoon daloolay sababta eriga wariyahan keentay
Sidoo kale waxay ilo-wareedu sheegayaan in dad badan oo ay kamid yihiin ganacsato iyo Masuuliyiin Maamul ay Maamulka Idaacadda uga soo cawdeen Catoosh, taasina aakhirkii sababtay in Maamulku uu go’aan ku qaato inay cadhiyaan Weriyaha.
Berberatoday.com