Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Xubnaha Baxsadka Ah Ee Tigray, Shacabkana Uga Digtay Inay Qariyaan
February 17, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ayaa shacabka uga digay in ay gabaad siiyaan qof walba oo isku dayaya in uu gobolka xasiloonidiisa wax u dhimo.
Iyadoo ay iska muuqato in loola jeedo xubnaha xoogagga xisbiga tigray (TPLF) ee ay millatarigu la dagaallamayeen tan iyo bishii November, waxaa shacabka reer Tigray lagu boorriyay in qofkii ay arkaan ay dowladda kusoo wareejiyaan ama ay iska fogeeyaan si aan laftooda loo bartilmaameedsanin.
Waxaa kale oo dadweynaha loogu baaqay in ay taageeraan maamulka gobolka loo sameeyay kaddib markii la afgambiyay maamulkii TPLF.