Duulimaadyadii Garoonka Muqdisho Ee Aadan Cadde Oo Istaagay Iyo Madaafiic Lagu Garaacay
February 19, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wararkii u dambeeyay ee xaalada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiic ay ku dhacday garoonka diyaaradaha iyadoo mid ka mid ah madaafiicdana ay ku dhacday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda ku dhacday garoonka hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii diyaaradaha ka duulayay iyo kuwa ka soo dagayay, duulimaadyadii iyadoo uu hakad ku yimid.