Walaac Hadheeyay Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaridka Iska Sharraxay Ee Ay Isku Deegaanka Yihiin Madaxweyne Biixi
February 20, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Tan iyo markii ay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay labaddii Musharax ee Xisbiga UCID oo aan illaa hadda la hayn sababta xadhiggood, ayaa si weyn Cabsi iyo wal u soo food saaray Musharaxiinta Xisbiyadda Mucaaridka ka sharaxan ee ay isku deegaanka yihiin Madaxweynaha hadda talada dalka haya. Sida ay Wargeyska Foore u sheegeen qaar ka mid ah Taageerayaasha iyo Murashaxiintan Cabsidu soo waajahday, waxay si weyn uga wal wal qabaan in maruun lasoo hujuumo iyadoo loogu soo gabannayo ama loogu mar marsiinayo shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta ee dhinaca Hay’addaha Dawladda kaga xidhan gaar ahaan Garsoorka, waxaana si weyn qaar laga dareemayaa diyaar garaw xoog ah iyo iska caabin ay damacsan yihiin inay jawaab uga dhigaan haddiiba ay dhacdo in lasoo faro galiyo.