Faysal Cali Waraabe Oo Dadka Reer Muqdisho Ku Booriyay Inay Magaaladooda Ka Xoreeyaan Farmaajo
February 21, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa u duceeyay dadkii ku waxyeelobay mudaharadkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale wuxu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay iska xoreeyaan madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Farmaajo.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaflad uu xisbigiisu musharixiin ku soo dhawaynayay, ayaa dadka reer Muqdisho ku booriyay in ay magaaladooda ka xoreeyaan madaxwaynaha mudo dhaafka ah ee Farmaajo.