Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Dowladda Waqtigu Ka Dhammaaday Ee Soomaaliya Baaq Muhiim Ah Udiray
February 23, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

Xoghaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, waxa uu ku boorriyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar.