Wasiir Hore Saleebaan Xaglo-toosiye Oo Ka Hadlay Xanuunka Covid_19, Doorashada Iyo Ahmiyadda Nabadgalyada
February 24, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilal wasiirnimo,Wasiirna ka soo noqday Wasaaradaha Dib u dejinta iyo Caafimaadka, ayaa ka xog-warramay marxaladda siyaasadeed ee dalku marayso, waxaanu si gaar ah uga hadlay Xanuunka Koronaha, Nabadgalyada iyo Doorashooyinka.
Siyaasi Saleeban Ciise Ahxmed (Xaglatoosiye), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xanuunkii Koronuhu oo ah xanuun aad iyo aad u khatar badan, waa kan oo dib ayuu ugu soo laabtay dunidii, xanuunkan oo wada gaadhay caalamka, ha lagu sii kala darnaadee, haddana inaga ILLAAHAY ayaa inoo sahlay, oo ILLAAHAY ayeynu uga mahadnaqaynaa, ee Shacabka waxaan kula talinayaa inay aad u taxadiraan, oo taxadir iyo is ilaalin badan sameeyaan, ILLAAHAY baa wax ilaaliya, haddana ha la joogteeyo oo lagu dadaalo ilaalinta nadaafada, wacyigelinta ay Wasaaradda Caafimaadku wadaana Shacabku ha ku dhaqmaan, qof kasta oo xanuunkan iskaga shakiya, ama dareema xanuun, si deg deg ah ha u gaadho goobaha caafimaadka, gaar ahaan goobaha ay Dawladdu cayintay, si looga taxadiro faafitaanka xanuunka Koronaha”.