Amnesty International Oo Dawlada Eritrea Ku Eedaysay Inay Xasuuq Ka Gaysatay Gudaha Dalka Itoobiya!
February 27, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Hay’adda u Doodda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo Aan Hubaysnayn Ay ciidammada Eritrea bishii Nofembar Ee sanadkii Tegay ku xasuuqeen Magaalada taariikhiga ah ee Axum ee Dalka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray ee udhexeeyay ciidamada TPLF Iyo dawlada itoobiya oo ay weheliyaan ciidanka Eritrea.
