berberatoday.com
Qarax Xooggan Oo Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
February 28, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Qarax xooggan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay waddada Cabdiqaasim gaar ahaan agagaarka Xaruntii hore ee Safaarada Turkiga ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo mar qudha qarxday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in qaraxaas lala eegtay gaadhi Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidammada dowladda, waxaana goobta si deg-deg ah u gaadhay Ciidanka Booliska oo xidhay aaga oo dhan, dadkuna u diidaya inay marayaan.

Warar hordhac ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba Askari, halka Askar kalena oo saarnaa gaadhiga ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, kuwaasi oo loo qaaday xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay waddada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo Millatari ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews