Dowladda Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Inay Dabar Goyn Iyo Isir Sifeyn Ku Hayso Dadka Tigreyga Ah.
March 1, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka.
