Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Ururka Caalamiga ah Ee Dhismaha Nabadda
March 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu wehelinayay la taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur ayaa manta shir la yeeshay madaxa Ururka caalamiga ah ee dhismaha nabadda (Interpeace) Mr Theo Hollander oo ay wehelinayeen Muuna Ducaale, Axmed Cabdiraxmaan iyo Cabdicasiis Muuse.
