Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Guuleed Ibraahim Oo Ah Wiil Bajaajle Ah Oo Celiyay Lacag Sodon Kun OO Bira Oo Lagu Ilaaway
March 2, 2021 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar, ayaa qaabilay Guuleed Yare, oo dhawaan lacag Hooyo Soomaaliyeed ku illowday Bajaaj uu waday dib ugu celiyay.
Madaxweynaha ayaa Wiilkan u ballanqaaday dhul uu dego, Gaadhi iyo weliba Waxbarasho.
Lacagta Wiilkani celiyay oo Bir ahayd ayaa qiyaas ahaan u dhigmaysay ku dhawaad 6000 kun oo Dollar.
Sidoo kale waxa jira Qaadhaan loo ururinayo Wiilkan oo ay wadaan dad Qurba-joog ah.
Berberatoday.com