UK Oo Dhimaysa Maalgalinta Ay Siiso Hay’addaha Gargaarka Ee Ka Shaqeeya Soomaaliya
March 4, 2021 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Hay’adaha gargaarka ee UK ayaa lagu qasbay inay joojiiyaan adeegga rugaha caafimaadka ee Soomaaliya, kuwaas oo caawiya 2,000 oo haween iyo caruur ah bishiiba.
Sida uu daabacay wargeyska the Guardian, tallaabadan ayaa ka dambeysa ka dib markii miisaaniyadda maalgelinta ay hoos uga dhacday 0.7% dakhliga guud ee UK.
Hay’addaha waxa looga digay inay la kulmi karaan dhimis ilaa 40% oo ah maalgalintooda UK.
Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda Action Against Hunger, Haajir Maalim, ayaa shaaciyay in lagu war galiyay in ayna sameynin wax balan qaadyo maaliyadeed ah.