Ambasador Hassan Yasin Hirad Oo Ka Qalinjabiyay Maxadka Diblomaasiyada Iyo Xuquuqal Insaanka Maraykanka
March 4, 2021 - Written by admin
Canada(Berberatoday.com)-Safiirkii hore ee Somaliland Ufadhi jiray Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta Ambasador Hassan Yasin Hirad ayaa dhawaan ka qalinjabiyay Maxadka Diblomaasiyadda iyo Xuquuqal insaanka dalka Mareykanka ee(United States Institute Of Diplomacy And Human Rights)isaga oo kamid ahaa Safiirku 295 qof oo daafaha caalamka kala jooga oo Maxadkaasi qaab Online ah ku baranaayeen,

Safiirka aan la xidhiidhay kadib markii aan baraha Bulshada klu arkay qalin jabintiisa waxna ka weydiiyay Maxadkaas uu kaqalin jabiyay ayaa waxa uu yidhi”Waxaan dhawaan dhamaystay mc-hadka diblomaasiyadda iyo xuquuqal insaanka [United states institute of Diplomacy and human rights] anigoo qaatay aqoonsiga latalaliyenimo ee dhinaca xaquuqal insaanka waxaana kudhamaysanay arday kabadan 295 qof oo kalajooga dunida dacaladeeda.