Gaadhi Udiyaar Ah In U Dilo 15 Qof , Iyo Shacab Ku Qasban Inay Raacan
March 7, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Waa Mini Bus Afar Taayerle Ah, Caadi Ahaan Waxaa loogu Talo galay 10 Setter Ama Toban Kursi laakin Waxaa la Saara 15 Qof , Dhanka Miisaanka Bagaaashka Waxaa loogu Talo galay 160 KGM oo u Dhiganta afar Shandadood oo midiiba Tahay 40KGM laakin Xagan Waxa la Saara Ilaa 1000KGM Sida Ku Muuqada Sawirka
Dadka Raacaya Waa Ku Qasban Yihiin Iyagoo Og Halista ku Jirta Maadama oo Aanay Haysan Gaadhi Kale oo Adeegan u Qaban Kara , Darawalka Wada Laftiisu Kuma Qanacsana Hadii u Diido Safarkana Waxa lagu Bedelaya Mid kale oo ogol
Ninka Iska .Leh Hal Safar uma.Baxo Marka Bus ka Dhacona Mid Kale Ayuu iibsada Ganacsigiisana Waxuu ku Sheega Shirkad
Ma.Jirto.Dawlad shacabka Ka Badbaadinaysa Xaalkuna Waa Sida aad Aragto iyo Shil Joogto Ah
Eedu Maaha Shirkada Dalsan ee Gaalkacayo To Haragysa Kali Ah Ee Waa Dhamaan Shirkadaha Safarada Somalida oo Sidan u Ganacsada
Waa Hubaal Hadii Ciidamada Booliska Wadamada aduunka Kale Qaban lahaayen gaadhi sidan Ah inay Marin lahaayen Qanaaxyo Dhawr ah oo ay ka mid Tahay Liisanka oo laga Qaado Wadaha iyo Talaaboyin kale oo Dheer
Hadii Sawiro Sidan oo kale ah lagu Arki lahaa Wadamada Yurub asiya iyo Ameerikana Waxaa ka Dhalan lahaa Cambaarayn Xoogan oo Galaafata Masuuliyin Dhawr ah